Maxawaynaha Colombia oo ku guulaystay abaal-marinta biladda nabadda adduunka.

221

Abaalmarinta billadda nabadda adduunka  ee Nobel Peace Prize ee Sannadkan 2016  ayaa waxaa maanta oo Jimco ah ku guulaystay  Madaxweynaha dalka Colombia Juan Manuel Santos.

Mr. Santos ayaa  la sheegay inuu ku mutaystay abaal-marintan maadaama uu  dadaal  dheer u galay soo af-jaridda dagaalkii dalkiisa ka socday muddada ku dhow nus qarniga.

Madaxwaynaha Colombia ayaa la sheegay in laga soo dhex xulay 376 oo qof oo sanadkan u tartamayay abaal marintan sanadlaha ah.

Billadda nabadda adduunka oo la siiyay hoggaamiyaha Colombia ayaa waxaa ay noqonaysaa tii ugu horaysay oo la siiyo qof ka soo jeeda wadankaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Abaalmarintan ee Nobel Peace Prize ee dalka  Norway Kaci Kullman Five ayaa sheegtay in Madaxweyne Santos uu billaabay wadahadallo hor-seeday markii dambe heshiis nabadeed oo lala galay Jabhadda FARC oo sanado badan dagaallo kala horjeedday dowladda Colombia.

Kaci Five Waxay arrin muhiim ah ku tilmaantay in Mr. Juan Santos uu hadda isugu yeeray dhammaan dhinacyada, si ay uga qayb-qaataan wadahadal nabadeed si arrintan looga mira-dhaliyo.

Sidoo kale Kaci Kullman waxay xustay inkastoo inta badan codbixiyayaasha Colombia ay diideen heshiiskaas oo afti loo qaaday, haddana taasi aysan la macno ahayn in Hannaanka lagu raadinayay nabadda dalkaas uusan dhiman.

Colaadihii Dalka Colombia ka soconayay muddo ka badan 50 ka sano  ayaa waxaa ku geeriyooday  in ka badan 260,000 oo Qof, halka ay ku barakaceen in ka badan Lix Milyan oo Ruux, kuwaas oo qaarkood u cararayay waddamada dariska la ah wadankaasi Colombia.

Madaxweynaha dalka Colombia ayaa ku dhashay Magaalada Bogota  oo xarun u ah dalkaasi 10-kii bishii August ee Sannadkii 1951-kii, wuxuuna madaxweynaha Dalka Colombia noqoday Sannadkii 2010-kii, iyadoo mar kale xilka dib loogu doortay Sannadkii 2014-kii.