Maxay Bulshadu ku Tabeysaa Adeega Internet Mobilka Faa’iido iyo Qasaaro

208

Adeega Mobilka XaqiiqaAdeega isticmaalka internet Mobilka oo sanadihii dambe ka hana qaaday dalka ayaa waxaa siyaabo kala duwan loogu micneeyay hana qaadkiisa, faa’iido iyo khasaaraba inuu u horseeday Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinta iyadoo dhawaan bayaan kasoo baxay Al Shabaab Shirkadaha Isgaarsiinta ee

Bixiya Adeega Internet Mobile-ka loogu amray in ay joojiyaan Adeegaasi ayaa Al Shabaab amarkooda waxa ay ku micneeyeen in uu Adeegaasi qaab sirdoon U Isticmaalo ama u Adeegsado wax ay ugu yeereen Cadow Islaamka, iyo sidoo kale in ay fasahaad iyo fawaaxish u adeegsadaan dhalinta Soomaaliyeed ayna waqti badan ku bixiyaan dhaqamo aanan ku wanaagsaneyn Islaamka.

Shirkada Isgaarsiinta ee Hormuud oo kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ee bixin jiray Adeega Internet Mobile-ka markii ay shaacisay in ay hakisay Adeegaasi, kadib bayaankii kasoo baxay Al Shabaab ayaa Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada wax ka barata Jaamacada Muqdisho qaarkood, waxa ay sheegeen in uu saameyn adag uu ku yeeshay joojinta Adeega Internet Mobile-ka, ayagoona tilmaamay in aysan habooneyn kaliya in laga eego xumaanta balse uu Adeegaasi Bulshada u lahaa faa’iido badan.

Mid kamid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa iyadu waxa ay aaminsan tahay feker ka duwan fekerka ay qabaan dhalintan, waxa ayna sheegtay inay soo dhaweyneyso joojinta Adeega Internet Mobile-ka, ayadoona xustay in xitaa hadii dib loo soo celinayo Adeegaasi ay haboon tahay in waxyaabaha qaar laga xadido, sida ay hadalka u dhigtay.

Joojinta Adeega Internet Mobile-ka oo ay amar ku bixiyeen Al Shabaab ayaa dowlada federaalka oo ka hadashay waxa ay sheegtay in aanu jirin amar ka soo baxay Dawladda  oo lagu xiray ama lagu cabsi geliyey shirkadaha Isgaarsiinta oo ku aadan in ay joojiyaan adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, ayadoona tilmaantay in ay cambaareyneyso hanjabaad iyo caburin ay dowladu sheegtay in Al Shabaab ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta