Maxay ka dhigan tahay dharbaxshada soo gaartay maamulka cusub ee Maraykanka

361

Maamulka cusub ee dalka Maraykanka ayaa waxaa soo gaartay dharbaaxsho kuluul, ka dib markii uu is casilay la taliyaha Madaxwaynaha Maraykanka dhanka Ammaanka.

Mas’uulka is casilay ayaa lagu magacaabaa Michael Flynn, kaasi oo la sheegay inuu isku casilay fadeexad la xiriirta xiriir toos ah oo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dowladda Russia.

Iscasilaadda Michael ayaa timid maalmo un ka dib markii waaxda Caddaaladda dalka Maraykanka Trump u sheegatay in xiriirka noocaas ah uu maalmulkiisa u keeni karto halis aad u balaaran

Maxay ka dhigantahay is casilaadda  Michael Flynn.

1: waxaa uu ahaa war ay ka wada naxeen dhammaan maamulka Trump.

Waxaa uu ahaa qof aad ugu muhiimsan Madaxwaynaha cusub ee dalka Maraykanka.

2: Waxaa uu ahaa  qofka Madaxwayne Trump u kala sheegayay danaha Guud ee Maraykanka iyo waliba isagoo lagu tilmaamayay furaha iyo xiraha Aqalka Cad.

3: waxaa uu ahaa qof ka isku xira wasaaradda Gaashaandhigga Pentagon, wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’adaha Sirdoonka dalka Maraykanka iyo Aqalka Cad.

Waa hoos u dhac  wayn oo soo wajahay maamulka cusub kaasi oo talada haya wax ka yer labo bilood.

Waxaa uu ahaa la taliyihii ugu waqtiga dheeraa ee la shaqeeyaa Madaxwaynaha cusub.

Maxaa keenay inuu is casilo.

Mas’uulkan ayaa si qarsoodi ah ula hadlay safiirka Ruushka u fadhiya Maraykanka isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Ruushka laga qado doono cunoqobataynta saaran iyo arrimo badan oo halis ah.