Maxay ka dhigtahay hala bad baadiyo Doorashada ?

1031
Waxaan la sheekeystay dad badan oo waxgarad Soomaaliyeed ah Dadkaa oo aan ku aqaan wadan jacayl iyo Soomaalinimo waxay hadal qabsi ka dhigteen waa in maanta Soomaali la badbaadiyaa. Waxaa kaloo aan ka maqlay inta badan musharaxiinta u Tartamaya Madaxweynaha

marka laga reebo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey mudane Xasan Sheekh inay markasta leeyihiin wadanka hala bad baadiyo waxaa kaloo figradan aan ka maqlay in Soomaali la badbaadiyo Culimada iyo Odayaasha dhaqanka ee hogaamiya Bulshada,

waxaa ka loo figradan aan ka maqlay Aqoon yahanada Gaar ahaa wadaniga Soomaaliyeed Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota hadana ah Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa Doorashada Madaxweynaha.

Markaan maqlay kalmada ah wadanka halabadbaadiyo sow maaha inaan is waydiino wadan lix iyo labaatan sano Dagaal sokeeye ka jiray sidee loo badbaadiyaa?

Hadana waxaan kaloo is way diiyey Doorashadii tan ka horeysay ee 2012 bulshada soomaaliyed Gaar ahaan Dadka wax Garadka ah mayqabin walaac ah in wadanka hala badbaadiyo maxay tahay khatartan hada dadka waxgaradka ah ay tilmaamayaan in Doorashada ay tahay mid ah in wadanka la bad baadiyo.

Aniga faaladeydu waxay Tilmaamaysaa in aan soo bandhigo waxaa jira ee keenay in Doorashadan madaxweynaha la doonanayo ay tahay mid lagu bad baadinayo Rajadii ugu Dambaysay ee Soomaali u hartay .

Markaan Qeexo Faadadeyda waxaan u malaynayaa cabsida laga qabo in Doorashada madaxweynaha ee dhacaysa maalinta Arbacada ah 8.2.2017 in Dowadda Itoobiya ay Faragelin qaawan ku hayso Arrimaha Doorashada Soomaaliya oo lagu eedaynayo in ay wadato Musharaxiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Markaa hadii hadalada musharaxiinta kale iyo odayaasha Dhaqanka, Culamadiinka aqoonyahanada aan dib u eegay, Soomaaliya Doorashadeeda hala bad baadiyo ma waxaa laga wadaa in hadii dib loo doorto Xasan Sheekh ay ciidamada Itoobiya dib ugu soo noqonayaan Magaalada Muqdisho oo ay ka bexeen Sanadkii 2009.

Sidaan wada ognahay Dowladda Itoobiya ayaa galaangal weyn ku leh siyaasada Soomaaliya, dhinaca kalana waxaa Gobalada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya ka jooga kumanaan ciidamo oo qeyb ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Tani waxay ka dhigan tahay in Shacabka iyo Waxgaradka Soomaaliyeed aysan raali ka ahayn in Siyaasiin ku xiran Itoobiya ay ku guuleystaan Hogaanka Sare ee Dalka, marka ma u qaadan kartaa hadalka ah Wadanka ha la bad baadiyo inay tahay Itoobiya Dalka ha laga bad baadiyo ?

W/Q Mahamed Mahamud Nur Caalim