Maxay ka wada hadleen madaxwayne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ( Sawiro)

387

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay

Labada Madaxweyne ayaa salaan ka qaatay cutubta ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Kenya, waxaana loo garaacay Astaanta Qaranka ee Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kulan albaabada u xiran yeeshay, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga, amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo kala duwan, iyadoo si wada jir ah u qaban doona shir jaraa’id.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho 3 cisho uga bilaabatay dalka kenya, waxaana uu 25-ka bishan uu kaga qeyb galayaa shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo arrimaha Qaxootiga.

Halkan ka daawo sawiradaUhuru-1-635x420 uhuru-2-537x360 uhuru-3 uhuru-4-537x360 uhuru-5-630x420 uhuru-6-630x420 uhuru-593x420