Maxay Soomaaliya Ku Qoontay Sweden?

240

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa shalay war kasoo saartay khilaafka u dhaxeeya dawladaha Sweden iyo Sucuudiga taas oo la yaab ku noqotay dad badan oo aad ula socda arrimaha xiriirka Caalamiga ah iyo Siyaasadda Dibadda. Maxamed Xasan Haambe waa Bare Xariirka Caalmiga ah ka dhiga jaamacadda SIU. Waxa uu sheegay in tillaabada Dowladda Soomaaliya ay ku qaadatay in ay garab istaagto Dowladda Sucuudiga ay u muuqato qadiyad Jaamacad Carab ahaan, balse aysan si dheer u eegin doorka Sweden ee Soomaaliya. Xaambe ayaa sheegaya In Dowladda Soomaaliya ay u furneed wadooyinka kale oo ay u marto xaaladaha u dhaxeeya Dowladaha Sweden iyo Sucuudi Carabiya, balse aysan ahayn in ay ku dhex-milanto khilaafka labada Dowladood ka dhaxjira xilligan. Khilaafkan ayaa salka ku haya kadib markii Dowladda Sweden ayay sheegtay in Sucuudiga ay ka jirto xaalado dhanka xuquuqda aadanaha taasi oo keentay in uu soo baxo khilaafka maanta muuqda. Dowladda Sweden ayaa ka mida Dowaldaha taageera Soomaaliya, waxaana Sweden ku nool Kumannaan Soomaali ah oo halkaasi kahelay nabadgelyo, halka Dowladda Sucuudigana lagu eedeeyay in ay dadka Soomaaliyeed soo tarxiilaan. . Waxaa Sweden ku nool qiyaastii 20 kun oo Soomaali ah kuwaasoo loo fidiyay martigelin iyo daryeel aysan ku helin dalal badan oo dunida ah. Waxaa lagu qiyaasaa lacagta ay dowladda Sweden ku bixiso Soomaalida dalkeeda ku nool 180 milyan oo Euro. Wararka aanu ka heleyno Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ayaa sheegaya in ay wadaan diyaargaraw ay kaga mudaharaadayaan hadalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Golaha Wasiiradda Xukuumadda ayaa berri kulankooda khamiislaha ah lagu wadaa inay kaga hadlaan qadiyaddan soo korortay iyada oo la filayo inay kasoo saaraan war isu soo dhaweyn kara Sweden iyo Soomaaliya.