Maxkamad ku taala Puntland oo xabsi daa’in ku xukuntay dad loo haysto Daacish-nimo

183

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday dad ay sheegeen inay  ka mid yihiin  kooxda Daacish.

Saraakiisha Maxkamadda ayaa faah-faahin ka bixiyey goobaha laga soo qabtay kooxahan oo ay hadda ciidamadu hayaan

Halkan ka akhriso magacyada dadka La xukumay.

1. Salaax Xuseen Ibrahim, xabsi daa’in.

2. Cabdifitaax Jamaal Cabdi, waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

3. Cabdikariin Siciid Cabdi oo dhawaan lagu qabtay bistoolado uu ku soo qariyay doon ka timid Yemen, waxa ay maxkamadu xukuntay 20 sano oo xarig ah.

4. Cabdiqaadir Mahad Nuux oo ah ganacsade oo hub lagu qabtay waxa ay maxkamadu ku riday shan sano oo xabsi ah.

5. Cabdirisaaq Xayir Dacar. waxa ay maxkamadu usoo celisya xoriyadiisii.

 

3s4s