Maxkamadda Caddaladda Addunka oo dhowaan go’aan ka gaaraya dacwadda dhanka badda Soomaaliya iyo Kenya

329

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa shaacisay waqtiga rasmiga ah ee ay shaacineyso go’aanka ay ka qaadatay muran badeedka u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya kaddib markii labada dal ay isku dacween Maxkamaddaasi.

Go’aanka Maxkamadda ayaa raaci doona middood Somaliya ama Kenya.

Somaliya waxaa ay dooneysaa in kiiskan ay Maxkamadda horay u gasho oo sii dhaqaajiso halka Kenya ay dooneyso muranka kale dhaxeeya Somaliya lagu xalliyo meel aan ahayn Maxkamadda.

Maxamadda ICJ, waxaa ay ku dhawaaqday in 2-da Bisha February ee soo socota ay ku dhawaaqi doonto go’aanka ay ka qaadatay muran Badeedka Kenya iyo Somaliya,waxaana ay midkood ka farxin doontaa Somaliya ama Kenya.

Kenya waxaa ay horay u sheegtay in haddii Kiiskan ku guuleysato Somaliya ay taas saameyn taban ku yeelan doonto Tanzania oo uu sidoo kale muran badeed u dhaxeeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku dacwayay Maxkamaddaasi.

Kenya, ayaa sheegatay goob saliidda qabiga ku ah oo ay Soomaaliya milki ahaan u leh.

Hadii maxkamaddu ay Soomaaliya u xukunto waxaa ay helaysaa dhul ama bad oo ay markii horeba ay ayadu lahayd.

Kenya hadii ay heshana waa wax dunida iyo Soomaaliduba ayaan ku qanci doonin, inkastoo ay u badan tahay inay Soomaaliya hesho.

Hoos ka akhriso warqad ka soo baxday maxkamadda.