Ilka Xanaf oo Sharci Darro ku Tilmaamay Digreetadii lagu kala Diray Golaha Adeegga Garsoorka

246

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in uusan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala diri karin Golaha Adeegga Garsoorka Dalka,waxa uuna sharci darro ku tilmaamay go’aankii dhawaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kala diray Golaha Adeegga Garsoorka.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ayaa sheegay in Golaha Garsoorka uu yahay mid madax bannaan,waxa uuna xusay in ay ku imaan karto talooyin ay soo jeediyaan xubno guddiga ka mida ah, wasaaradda garsoorka iyo Golaha wasiirada sidaasna ay tahay in loo maro kala dirista Golaha Adeegga Garsoorka Dalka,laakiin uusan Mdaxweyanha xaq u lahayn kala diristooda.

Abuukaate Ilka Xanaf ayaa sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday khilaaf uu sheegay in uu kala dhaxeeyo xafiiska Xeer Ilaaliyaha, islamarkaana aysan jirin wax wada sahqayn ah oo dhex marto.