Maxkamadda Sare oo shaqada ka joojisay gudoomiyaha Maxkamadda G Banaadir

426

Gudoomiyaha maxkamada Sare ee Soomaaliya  Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa  si KMG ah shaqadii uga joojiyay gudoomiyihii Maxkamada ee gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Sababta Shaqada looga joojiyay ayaa lagu sheegay in Maxkamada gobolka Banaadir aysan ugu adeegin bulshada sidii loogu tala galay.

War kasoo baxay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa lagu sheegay in ay jiraan dacwooyin badan oo isku dul xayiran oo uusan wax ka qaban Xaashi Cilmi Nuur.

Hoos ka akhriso warka kasoo baxay Maxkamadda Sare

xil-qaadis2