Maxkamdda Gobolka Banaadir oo Maanta la horkeenayo wariyaal u xiran Dowladda Soomalaiya

Wariyaashan ayaa ka kala tirsan Idaacadaha Shabeele,Sky iyo Risaala waxaana Maanta ay markale ka soo muuqanayaan Maxkamadda Gobola Banaadir oo ay ka socoto dacwadaha loo haysto Weriyaashan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Idaacaha Shabeele iyo SKY albaabada iskugu dhufatay kadibna Xabsiga u tixaabtay qaar kamida wariyaashan oo ay ku jiraan Agaasimihii Shabeele,Cabdimaalik Maxamuud iyo Agaasimaha SKY Maxamuud Carab waxaana sidoo kale laxiran laba wariye oo kala Axmed Cbadi Xasan iyo Maxamed Bshiir Xaashi iyada sidoo kale ay Dowladdu xirtay wariye ka shaqeeya Radio Risaale oo ku eedaysan baahinta war laxariira Xanuunka Epola.

Wariyaahsan ka tirsan Idaacaha Shabeele iyo SKY ayaa qaarkood waxa ay xiranyihiin muddo ku dhaw 7bilood iyada oo ay noqonayso in markii 5aad la soo horkeenayo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Ururka Suxufiyiinta Qranka Soomaaliyeed Nusuj ayaa ugu yeeray Dowladda Soomaaliya in ay dedejiso Maxkamadaynta wariyaashan si ay u helaan cadaaladda.