Yurub: lama sii dayn karo nin burcad baddeed ah

292

Burcad-baddeed0

Madaxda Midowga Yurub oo hadal qoraal ah ka soo saaray arrimaha Soomaaliya ayaa walaac aad u xooggan ka muujiyay warar sheegaya in la sii daayay Maxamed Cabdi Cusmaan ‘Gafaanje’ oo lagu tirinayo in uu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha waaweyn ee kooxaha burcad baddeeda. Waxayna ugu baaqeen dawladda dhexe ee Soomaaliya inay joojiso cafisyada loo fidinayo burcad baddeeda, lana sii xoojiyo bay yiraahdeen hannaanka dacwad soo oogista iyo shuruucda kale ee dhanka ah burcad baddeedaasi.

Labo bilood ka hor ayey ahayd markii dawladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay masuulkaasi sare ee burcad baddeeda kaddib hawlgal ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen xaafaddaha qaarkood ee magaalada Muqdisho, iyada oo lala xiray Maxamed Gafaanje dhawr dabley ah oo ilaalo u ahaa.

Saraakiisha laanta sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka ee NISA ayaa lagu wareejiyay ninkaasi oo la rumeysan yahay in muddo uu ku dhuumaaleysanayay gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan Gafaanje ayaa ah hoggaamiyaha labaad ee burcad baddeeda Soomaaliya wuxuuna ku lug lahaa afduub loo geystay in ka badan 25 markab iyo doomo gacansi.

Dhinana kale, Midowga Yurub ayaa u soo jeediyay dawladda federaalka inay imminka wax ka qabato tahriibka, dhoofinta dhuxusha iyo ka ganacsiga hubka sharci darrada ah.