Wednesday, October 28, 2020
Home Wararka Maanta Miisaaniyadda 2018-ka oo la hor geeyay Baarlamaanka Soomaaliya (Sawiro)

Miisaaniyadda 2018-ka oo la hor geeyay Baarlamaanka Soomaaliya (Sawiro)

292
    

Wasiirka Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Baarlamaanka JFS horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ka oo dhawaan Golaha Xukumadu ay ansixiyeen.

Miisaaniyadaan oo mareysa akhrinta Koowaad ayaa waxaa Xildhibaanada faahfaahin kooban ka siiyay Wasiirka Maaliyadda Dr Beyle, isagoo sheegay in Miisaaniyaddaan ay tahay tii ugu horeysay ee lagu daro Qoondada Caafimaadka iyo Waxbarashada Dadweynaha.

“Mudanayaal waxaan idiin sheegayaa in Miisaaniyaddaan ay ka duwantahay kuwii hore, maxaayeelay waxaa ku jirta $3Milyan oo Caafimaadka Dadweynaha iyo ku dhawaad $6Milyan oo Waxbarashada Dadweynaha aan ugu talagalnay” ayuu Xildhibaanada ka hor yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayleh.

Akhrin iyo ka doodid kadib waxaa la sugayaa go’aanka Baarlamaanka ee ku aadan meelmarinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018ka.