Milkiilaha Universal TV oo la sii daayay

481

download

Inj.Axmed Abuubakar, ayaa Hargeysa looga yeeray heshiis ay rabeen inay la galaan Xisbiga talada haya, balse arrintaas ay aheyd mid shirqool loogu dhigay.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay dhibsadeen warar ku saabsanaa heshiiskii Imaaraadka Carabta ee saldhiga Milateri ay ka dhisanayaan Berbera, kaasoo lagu baahiyay Barnmaajika qosol wareedka ee Faaliyaha Qaranka.

Mid ka mid ah Farsamayaaqanada Telefishinka Universal oo lagu magacaabo Abukar Mahdi ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in la sii daayay Eng. Axmed Abukar, kaddib dalab ka yimid Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Eng. Axmed Abuubakar uu xiriir dhow u dhaxeeyo, isla markaana Engineerka horay gacan uga geystay Telefishinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ESTV.

Eng. Axmed Abuubakar ayaa la dejiyay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa, waxaana lagu wadaa inuu berri u soo ambabaxo magaalada Muqdisho, si uu  uga qeyb galo xaflada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo oo Arbacada dhici doona.

Telefishinka Universal oo ka mid ah Telefishinada ugu afka dheer ee Soomaalida ayaa waxaa sanad ka hor laga joojiyay inuu ka howl galo deegaanada Somaliland, kaddib khilaaf soo kala dhex galay Telefishinka iyo Maamulka Somaliland oo sababay in albaabada la isugu dhifto Xafiiskii Telefishinka ee Hargeysa.