Mooshinkii oo Isbaarada laga qaaday

243

Warar xaqiiqa ah oo uu helay Webka Xaqiiqa ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaannada Baarlamaanka ay ay isku afgarteen in maalinta talaadada ee Soosocta, Mooshinka ka dhanka ahaa Ra’isul wasaaraha loo qeybiyo Xildhibaannada, si kaddibna cod loogu qaado.

Xubnaha Baarlamaanka ee Mooshiin diidka iyo mooshiin doonka u kala qeybsamay, ayaa waxa ay koox walba sheeganaysaa in ay guulaysatay.

Mooshin diidka, waxay leeyihiin, kalsooni ayaan ku qabnaa Baarlamaanka in ay heli doonin Mooshin doonka  cod ku filan, halka kuwa Mooshinka wadaana ay sheegayaan in ay kalsooni iyaguna ku qabaan in kalsoonida laga qaadi doono Ra’isul wasaare C/weli.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda waxaan caddeyn sida cakirnaantaan siyaasadeed ay ku dhamaan doonto.

Horay ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka warqad qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in maalinta axada moohinka doodiisa ay billaaban doonoto, hase yeeshee hadda waxaa muuqata, in arrintaa ay wax iska bedelen.