Mucaaradka oo ku guulaystay Doorashada Malaysiya

260

Raisul wasaarihii hore ee dalka  Malaysiya Mahathir Mohamad  ayaa  waxaa lagu soo waramayaa in guul taariikhi ah uu ka gaaray doorashooyinkii  guud ee dalkaas ka dhacay.

Guddiga doorashooyinka Qaranka dalka Malaysiya  ayaa sheegay in isbahaysiga mucaaradka ah eeMahathir uu ka sharxanaa  ay ku guulaysteen kuraas gaaraysa 112  kursi Baarlamaan, taasi oo ka dhigan uu helay Kuraasta ugu badan baarlamaanka.

Mahathir Maxamed, Ra’iisul wasaaraha la doortay oo 92-sano jir ah ayaa waxaa uu ka guulaystay ra’iisul wasaaraha xilka haya kaasi oo xibigiisa oo la yirahdo [BN] ay ku guulaysteen 76  kursi oo aqalka Baarlamaanka ka tirsan.

loolanka doorashada dalka Malaysiya ayaa waxaa la qiyaasayay in uu noqon doono mid aad u adag maadaama lagu qiyaasayay inuu ahaa tii ugu adkayd abad ee ka dhacda dalkaasi tan iyo intii uu Malaysiya xurnimada ka qaatay Britian.

“Ma doonayno aargudasho, waxaan doonaynaa in aan dib usoo celino sharciga iyo kala dambaynta” ayuu sheegay ra’iisul wasaaraha la doortay ee dalkaasi.

Waxaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah loo dhaariyo xilka taasi oo ka dhigan in Mahathir Maxamed uu noqon doono ra’iisul wasaaraha ugu da’da wayn Adduunka.

Waxaa uu ka soo kacay howl-gab si uu meesha uga saaro Najib Rasaaq, ra’iisul wasaaraha laga guulaystay ee Malaysiya, kaasi oo lagu eedeeyay wax is-dabamarin iyo Musuq-maasuq tan iyo 2009-kii, xiligaasi oo ra;iisul wasaare noqday.

Xisbiga uu ka guulaystay mr Mahathir  Maxamed  waa xisbigii uu ra’iisul wasaare ka ahaa muddadii uu xilka hayay.

Guushan Xisbiga Mucaaradka  Mahathir [Pakaran Harapan—- Isbahaysiga  Rajada] waxaa ay ka dhigan tahay in in ka badan 60-sano ka dib xisbi cusub uu dalkaasi ka aramin doono.

Dadka isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka ayaa aad u hadal haya guushan taariikhiga ah ee xisbiga mucaaradka ay ka gaareen doorashada guud ee dalka Malaysiya.