Muddo Maqluuq Beelo Madluunsanaay in aan la mootin ma Dudnoo???

316

Sida war keeda lahayo waxaa kasocda meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya hadalhayan Barlamanka cusub ee Somalia oo ay ku midoobeen Qaar ka mid ah dawlada Goboleedyada ku bahaysmaya markii ugu Horaysay hab Federal ah.

Xubnaha Barlamnaka Federalka ah ee Somaliya oo soo dhisi doono Dawlada Federlaka ahayd ee uu hada waqtigeedu dhamaaday Dawladii bedeli lahayd.

Hase yeeshee Murano iyo Isjiid jiidyo ka jiray tirada iyo habka qaysiga ayaa haatan waxaa Soobaxay war sheegaya in guud ahaan lagu kordhiyey xubnahaasi ka imanaya  Maamul Goboleedyada ku bahaysmaya Federalka 18, kursi
Ayadoo dhinaca kana uu jirtay dhawaq ku saabsan kuraas la laay oo uu ka dhawaajiyey Maraykanku.
Beesha caalamka ayaa waxay ilgaar ah ku haysaa habka doorashada  Barlamanka Cusub ee Federalka Somalia, ayadoo dhinaca kalana ay il gaar ah ku hayaan si weyn dhamaan shacabka Somalida ah sida ay wax u socdaan iyo waliba habka qaybsiga kuraasta ee Habqabiileed ama deegaameedka walow ayana  meesha ka maqnayn hab qabileedku mar kastaahi.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 25/12/2016, waxaa soo baxay in dhamaan Dawlada Goboleedyada maamuladooda Xubnihii barlanaka ee ka imaanayey lookor dhiyey Min Sadex Xubnood ayagoo guud ahaan lagu soo kordhiyey Xubnaha aqalka Hoose ee Barlamana Somaliya 18 kursi oo ilaa iyo hada banaan
Dabcan Beelahii Maamul Goboleedyada Barlamakooda ka imaanayey waxay doorteen ciddii matali lahayd, ayagoo waliba sida muuqato wax u doortay habkii beelaha ee dhaqanka  Somalida oo ahayd ANAA LAF WEYN AH, Anaa soo halgamay iyo ino kale oo la mid ah.
Waxaa Xaqiiqo ah in Xubnaha la doortay ilaa iyo hadda oo liisaskoodo la soo gudbiyey dhamaan qaybaha oo dhan ama maamulada oo dhan ay si caddaalada ah aysan uga dhax muuqan,  Beelo Horay loo dulminjiray marka wax la Qalanayo.
 ma dhici kartaa in beesha Caalamku in  ay u gar naqdo  beelaha ay gacan bidxeeyeen maamul gobaleedyadu?
W/Q Farxiyo Cali Qaajo