Munaasabad lagu Xusay Maalinta Ciidamada Asluubta oo ka dhacday Muqdisho

197

Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay xuseen Aas Aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,Munaasabad ka dhacday Xarunta ciidamada Asluubta ee KM7 ee Magaalada Muqdisho.

Munsaasabaddan ayaa ku beegan sanad guuradii 45 ee ka soo wareegtay dhismihii ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo ahaa heerka seddaxaad ee ciidamada Soomaaliyeed.

Afhayeenka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka Asluubta uu dalka ka qaatay door muhiim ah gaar ahaan ilaalinta maxaabiista iyo Xabsiyada Dalka,waxa uu intaasi ku daray in ay door fiican ka qaateen garab istaaga qaybaha kale ee ciidamada.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qabgalaya Madaxweyanah Soomaaliya Xasan Sh Maxmauud iyo Madaxkale oo goobjoog ka ahaa munaasabadan.

22 febaraayo ayaa laxusaa ciidamada Asluubta sanad walba waxaana dib udhaca sanadkan ku yimid ay saarakiishu ku sheegeen in ay ku beegantay xilli ay Dalka joogeen marti gaar ahaan Madaxweyanha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle taasi ayaana keentay in maanta la xuso.