Muqdisho oo baaritaan lagu wado israsaasayntii

219

Dekedda weyn ee MuqdishoGuddoomiyaha degmada X/jajab, Axmed Cusmaan Dhoore ayaa markii ugu horreysay warbaahinta u sheegay inay baaritaan guud ku sameynayaan imminka khasaarihii ka dhashay isku dhac muddo kooban ku dhexmaray askar ka wada tirsan ciidamadda dawladda dhexe ee Soomaaliya agaggaarka dekedda Muqdisho, kaasoo galaaftay nolosha ugu yaraan labo qof, tiro kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen.

Axmed Cusmaan Dhoore wuxuu intaasi kusii daray in dagaalku qarxay kaddib markii askari boolis ahaa oo shacab lacag aan sharci ahayn ka qaadanayay ay ciidamadda nabad sugiddu ku amreen in uu joojiyo falkaasi hubkana dhigo, balse ka dhaga adeegay amarkaasi.

Dhinaca kale, dad goobjoogayaal ahaa ayaa ku warramay in khasaare xooggan uu daagaalkaasi kasoo gaadhay shacab ku ganacsanayay afaafka hore ee dekedda.

Israsaasayntaasi ayaa si weyn looga dareemay inta badan xaafaddaha X/jajab, iyada oo uu cabsi iyo walaac geliyay shacabka qaarkood ee degmadaasi.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayeysan ka ahayn “wax naadir ah” isku dhac dhexmara ciidamadda dawladda.