Muqdisho: burcad baddeed sare oo la baarayo

327

Burcad-baddeed

Dawladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay masuul sare oo ka tirsan kooxaha burcad baddeeda kaddib markii ciidamada ammaanku ay hawlgal ka sameeyeen degmadda Waabberi, halkaasoo laga soo qabtay Maxamed Cabdi Gafaanje iyo dhawr dabley ah oo ilaalo u ahaa.

Saraakiisha laanta sirdoonka ee dawladda dhexe ayaa imminka baaritaan ku wada ninkaasi oo la rumeysan yahay in muddo uu ku dhuumaaleysanayay gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan Gafaanje ayaa ah hoggaamiyaha labaad ee kooxaha burcad baddeeda Soomaaliya wuxuuna ku lug lahaa afduub loo geystay in ka badan 25 markab iyo doomo gacansi.