Cabashadii canshuuraha oo xal loo helay

302

Bakaaro1Dawladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay qaadi doonto qorsheyaal ka dhan ah dadka lacagaha aan sharciga aheyn ka qaada ganacsatada Bakaaro maalin kaddib markii milkiilayaasha ganacsiga suuqaasi ay xireen goobahoodii ganacsi, iyaga oo ka cabtay dabley hubeysan oo ku andacoonaya inay yihiin canshuur qaadayaal dawladdeed.

Go’aankaasi ayaa lagu gaadhay kulan ay yeesheen golaha wasiiradda, maammulka gobolka Banaadir iyo wakiillo ka socday ganacsatada waxaana shir guddoominayay ra’iisalwasaare ku xigeenka xukuumadda, Ridwaan Xersi Moxamed.

Madaxda dawladda ayaa sidoo kale iska fogeeyay eeddeymo ay usoo jeediyeen guddiga ganacsatada suuqa Bakaaro kuwaasoo la xariiray in canshuuraha faraha badan ay xukuumaddu kusoo rogtay ganacsigooda si loo cuuryaamiyo, balse hadal qoraal ahaa oo ay soo saartay dawladdu ayey ku sheegtay in marnaba aan loo dulqaadan doonin shaqsiyaadka magaca dawladdeed ku boobaya hantida shacabka iskana dhigaya inay canshuur u gurayaan dawladda Soomaaliya.

“Canshuur qaadista waa in la waafajiyo shuruucda dawliga ah ee u degsan dawladda Soomaaliya si looga hortago musuqmaasuqa iyo cabashada ganacsatadu qabaan guud ahaan.” Ayuu yiri Ridwaan Xersi.

Isbuucyadii ugu danbeeyey ganacsatada suuqa Bakaaro ayaa si weyn uga cabanayey kooxo hubeysan oo ku labisan direyska ciidamadda dawladda oo lacago ka qaadaya suuqaasi.