Muqdisho: khasaaraha qaraxii gilgilay oo kordhay

287

DhaawacyoInta la ogyahay 15 qof oo badankood shacab ahaayeen ayaa ku nafwaayay ku dhowaad 20 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaadhay qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo xalay gilgilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaasoo lala bartilmaameedsaday maqaaxida ‘Oromo Caffee’ oo ah goob mashquul badan oo lagu qaxweeyo waxayna ku taal waddada dheer ee Maka Almukarama.

Hawlwadeenada gaadiidka gurmadka degdega ee Muqdisho ayaa gaadhsiiyay dhaawacyadaasi oo ay ku jiraan haween cusbitaalada magaalada waxayna u badan tahay in dhimashadu markale sii kororto maadaama bay lee yihiin dhaqaatiirtu ay weli la tacaalayaan dhibanneyaal qaarkood ku jira xaalad aad u cakiran.

Milkiilaha maqaaxida la weeraray ee Oromo Coffee ayaa warbaahinta u sheegay in dhankooda uu jiro khasaare ba’an oo soo gaadhay shaqaalihiisa, hase ahaatee dhibaatada ugu badan ayaa haleeshay macaamiil iyo dad rayid ah oo hareer marayay jidka uu qaraxu ka dhacay ee maqaaxidaasi.

Dhinaca kale, weerarkaasi lagu hoobtay ee Muqdisho waxaa si weyn u cambaareeyay madaxda dawladda Soomaaliya, Qaramadda Midoobay iyo Midowga Afrika.

Ilaa iyo imminka ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, inkastoo ay weli ciidamadda ammaanku baaritaanno ku wadaan dhacdadaasi.