
Dad goobjoog u ahaa dhacdadaasi waxay sheegeen in dableydu ay rasaas ku fureen gaariga maareeyaha, xilli uu marayay agaggaarka isgoyska Danwadaagta ee degmadaasi Waddajir kaddibna ay ku baxsadeen gaari kale oo ay wateen.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, hase ahaatee waxaa ku dhintay darawalkii gaariga maareeyaha iyo nin kale oo ilaalo u ahaa. — Eng. Cali Madoobe ayaa ka mid ah aqoonyahaniinta ku xeeldheer arrimaha saadaasha iyo duulista hawada sare ee Soomaaliya.