Muqdisho: maxkamad xukun ku ridday shan askari

192

Gaadiidka-dadweynahaKaddib fadhi gaar ahaa oo lagu dhageysanayay dacwad loo haystay 7 qof oo 4 ka mid ah ay yihiin askar dawladdeed ayey saraakiisha maxkamadda sare ee ciidamadda Soomaaliya waxay xukunno kala duwan ku rideen eedeysanayaal la sheegay in lagu soo qabqabtay 25-kii bishaan falal burcadnimo oo ay ku dhibaateynayeen shacab rayidka ah. 

Col. Xasan Cali Nuur ‘Shuute’ oo ah guddoomiyaha maxkamaddaasi ayaa ku dhawaaqay in shan eedeysane lagu riday xukun dil ah sidoo kalena la sii daayay labadii kale oo lagu waayay wax danbi ah.

Dhinaca kale, xeer ilaalinta guud ee maxkamadda ayaa soo bandhigtay gaari nuuca rakaabka ah oo horey eedeysanayaashu uga dhaceen nin ganacsade ah, xilli uu marayay tuullada Tixsiile ee gobolkaasi Sh/hoose.