Muqdisho oo ammaankeeda guud laga shirayo

198

Bakaaro1Madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa imminka wada dadaallo balaadhan oo ay ku doonayaan inay ku sii xoojiyaan sugidda hawlaha dhinaca ammaanka ee caasimadda, iyaga oo dhowaan shir gaar ah la yeelan doona masuuliyiinta shirkaddaha ganacsiga ee ka hawlgalla gudaha magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda amniga dawladda Soomaaliya shirka ayaa dhici doona sabtida soo socota waxaana looga wada hadli doonaa sida ugu haboon oo shirkadduhu uga qeybqaadan karaan dib u soo celinta xasilloonida guud ee Muqdisho iyo in aysan muddo dheer kusii tiirsanaan ilaalada gaarka ah ee ay lee yihiin shirkaddahaasi, maadaama ay xukuumaddu qorshenayso inay ka hortagto cid kastoo khatar ku ah nabadda Soomaaliya.

Shirkaasi oo lagu soo beegay xilli muhimad gaar ah leh ayaa noqonaya kii ugu weynaa oo abad ay wada yeeshaan dawladda iyo ganacsatadu wuxuuna ka dhacaya afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde.