Muqdisho oo ‘hawlgal dhacay’ dad lagu qabqabtay

163

Dabley-la-soo-qabtay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya daraasiin dad ah oo lagu qabqabtay hawlgal ballaadhan oo ay waddajir uga fuliyeen xaafaddaha qaarkood ee degmadaasi Heliwaa, ciidamadda dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Inta badan dadka ay ciidamaddu qabteen ayaa lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeynayo in si qarsoodi ah ay ku soo galeen gudaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa, Maxamed Axmed Xaashi oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in masaajid ku yaal xaafaddaasi Alcaddaala laga soo qabqabtay ku dhowaad 50 qof, halkaasoo ahayd bartilmaameedka ugu weyn ee hawlgalka wuxuuna sheegay in ciidamadda isbaheysigu ay gacan weyn ka siiyeen maammulkiisa soo qabashada dadkaasi kaddib markii la helay macluumaad ku saabsan rag aad loo baadigoobayay oo soo galay degmadaasi.

Dadkaasi la xirxiray ayaa loo sii gudbiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho oo imminka su’aalo kala duwan lagu waydiinayo.