Muqdisho oo israsaasayn lagu dilay labo askar ah

246

Ciidan-dawladdeed06Ugu yaraan 2 qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen tiro kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaadhay isku dhac keddis ahaa oo ku dhexmaray afaafka hore ee dekedda magaalada Muqdisho ciidamadda dawladda Soomaaliya, xilli ay xukuumaddu wado dadaallo hubka looga dhigayo dhammaan dadka weli hubaysan ee aan ka amar qaadan taliskeeda dhexe.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in israsaasayntu timid kaddib markii askari boolis ahaa ay ciidamadda nabadsugiddu toogteen waxaana intii uu dagaalkaasi socday ku dhintay qof kale.

Ilaa iyo imminka lama oga khasaaraha rasmiga ah ee jira, balse goobjoogayaal ayaa ku warramaya in labo askari ay ku nafwaayeen isku dhacaasi.