Muqdisho oo lagu gubay khamri aad u farabadan

253

Khamri1

War degdeg ah oo imminka soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamadda ammaanku ay goor dhowayd burburiyeen labo kunteenar oo ay ku jireen khamri aad u farabadan oo lagu qabtay gudaha dekedda weyn ee magaalada Muqdisho labo sanno ka hor, kuwaasoo lagu soo dhex qariyay markab ku soo xirtay dekeddaasi.

Baaritaanno waqti dheer qaatay kaddib ayey saraakiisha ciidamaddu waxay warfidiyeenka u xaqiijiyeen in gacanta lagu hayo rag watay khamriga oo la doonayay in laga ganacsado oo si qarsoodi ahna lagu geliyo suuqyada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dekedda Muqdisho waxaa sidoo kale tagay masuuliyiin sare oo ka mid ah dawladda dhexe ee Soomaaliya waxayna ka qeyb qaateen in markii danbe khamriga lagu gubo meel fagaaro ahayd, iyaga oo digniin culusna u jeediyay ganacsatada.

Dawladda Soomaaliya ayaa goor sii horreysay ku dhawaaqday qorshe lagu mamnuucayay ka ganacsiga khamriga iyo darooga kale.

Khamrigaasi ayaa ah kii ugu badnaa abad oo ay dawladdu gacanta ku dhigto si ay uga hortagto waxyaabaha maanka dooriya.