Muqdisho oo dad kale ku dhinteen qarax gilgilay

188

Afhayeen-Shabaab

War degdeg ah oo imminka soo dhacay ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof oo dhammaantood shacab ahayd ay ku dhinteen in ka badan 10 kalena dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo markale caawa gilgilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaasoo lala bartilmaameedsaday maqaaxi lagu qaxweeyo oo ku taal agaggaarka ‘Hoyga hooyooyinka’ ee degmadaasi Xamarweyne.

Qaraxaasi dadka ku dhaawacmay waxaa ku jira arday aad u da’ yar oo ka soo baxay iskuul ka ag dhow goobtaasi, kuwaasoo qaraxu qabsaday, weriyeyaal iyo dad kaloo ku qaxweynayay maqaaxida la beegsaday, waxayna hawlwadeennada gaadiidka gurmadka degdega ah ay gaadhsiiyeen dhaawacyadaasi cusbitaalada waaweyn ee Muqdisho, halkaasoo ay dhaqaatiirtu weli kula tacaalayaan dhibanneyaasha oo qaarkood ku jiraan xaaladdo cakiran.

Sidoo kale, sarkaal sare oo ka tirsan laanta sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka ee NISA iyo qof kaloo shacab ahaa ayaa ku dhintay qarax loogu xiray gaari sarkaalkaasi watay, xilli uu kormeer ku marayay gudaha degmadaasi Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka hawlgallada xarakada Shabaab ee Soomaaliya, Sheekh Cabdicasiis ‘Abuu Muscab’ oo wareysi siiyay idaacadda Al-andaluus ee ay ururkaasi maammulaan ayaa sheegtay masuuliyadda weeraradaasi.

Madaxda dawladda Soomaaliya, Qaramadda Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay weeraradaasi ku soo kordhaya Muqdisho.