Muqdisho oo qarax khasaare geystay uu ka dhacay

197

Qarax-gaaru

War degdeg ah oo imminka soo dhacay ayaa sheegaya in ugu yaraan 1 qof uu ku dhintay mid kalena uu dhaawac ka soo gaadhay qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo markale ku qarxay goob gawaarida la dhigto oo ku taalla agaggaarka waddada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho. Dhibaneyaasha ayaa dhammaantood ah shacab uu qaraxu qabsaday, xilli ay hareer marayeen waddadaasi.

Gen. Maxamed Yuusuf Maddaale oo ah taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Benaadir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay ciidamaddu gacanta ku digeen nin wade ka ahaa gaarigii qarxay oo isku dayay in uu ka baxsado goobta uu ka dhacay qaraxaasi.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxa, balse ciidamadda ammaanka ayaa weli baaraya dhacdadaasi.