Muqdisho oo uu ka dhacay qarax khasaare geystay

243

Gaadiidka-gurmadka-booliskaUgu yaraan 10 qof oo badankood shacab ahaa ayaa ku dhintay tiro kaloo intaasi ka sii badanna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaadhay qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo caawa lala bartilmaameedsaday maqaaxi aad u mashquul badan oo ku taala waddada Maka Almukarama ee Muqdisho, kuwaasoo dhaawacyadooda loo qaaday xarumaha caafimaadka oo imminka lagula tacaalayo.

Sida uu warbaahinta u sheegay milkiilaha maqaaxida la weeraray ee Oromo Coffee waxaa jira khasaare soo gaadhay shaqaalihiisa, hase ahaatee dhibaatada ugu badan ayaa haleeshay macaamiil iyo shacab qaarkood hareer marayay jidka uu qaraxu ka dhacay ee maqaaxidaasi.

Ilaa iyo imminka ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, inkastoo ay weli ciidamadda ammaanku baaritaanno ku wadaan dhacdadaasi  wixii warar dheeraad ah ee kusoo kordha kala soco Xaqiiqa Times.