Muqdisho oo xukunno dil ah lagu fuliyay labo qof

290

Tima-cadde

Saraakiisha maxkamadda sare ee ciidamadda dawladda Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku fuliyay labo nin oo la sheegayo inay ahaayeen gacan ku dhiigleyaal horey u dilay weriye Maxamed Maxamuud Cali “Tima cadde” iyo askari dawladdeed, waxaana lagu toogtay goob faraage ah oo ku taalla dugsigga tababbarka booliska, iyada oo ay goobjoog yihiin ehelo iyo masuuliyiinta warbaahinta qaarkood ee ka hawlgalla magaalada Muqdisho.

Gacan ku dhiigleyaasha ayaa lagu helay denbi ah inay dileen weriye Tima cadde iyo marxuum kaloo lagu magacaabi jiray Cawil Xasan oo ka mid ahaa ciidanka laanta nabadsugidda qaranka ee NISA, waxaana eedeysaneyaashaasi xukunku ku dhacay la xaqiijiyay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Weriyaha oo la shaqeynayay telefishenka Universal ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay rasaas ay ku fureen dabley hubeysan dhammaadka sannadkii la soo dhaafay ee 2013-ka.