Muqdisho: Shabaab oo xarumo weeraray

174

130903113258_somalia_304x171_bbc_nocreditInta la ogyahay toban qof oo qaarkood shacab ahaa ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen, kaddib weerar ay xarakada Shabaab ku qaaday xarunta nabadsugidda qaranka iyo xabsiga “Godka Jilicow” ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Joobjoogayaasha ayaa ku warramaya in weerarku uu ku bilawday qaraxyo loo adeegsaday gawaari nuuca raaxada ahaa oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa sidoo kalena rasaas aad u xooggan ay isweydaarsadeen ciidamadda dawladda Soomaaliya iyo ragga weerarka soo qaaday oo doonayey inay xoog ku galaan dhismayaashaasi.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in bartilmaameedku ahaa xabsiga weyn ee “Godka Jilicow” si buu yiri xoog loogu soo furto xubno ka tirsan xarakada oo halkaasi ku xiran.

Dhinaca kale, saraakiisha ciidamadda dawladda ayaa qiray in weerarka lagu soo qaaday, hase ahaatee ay weli si buuxda gacanta ugu hayaan ammaanka guud ee xarumaha la weeraray.