Murugo… iyo Meel Maran!

588

shekhAdduunka waayihiisu wuxuu ku baraa wax aadan arag, wuxuu ku tusaa wax aadan maqal.. Gabadha warqadan iyo sheekadan ii soo qortay, hadaaney da’deeda ii sheegin marka waxaasu ku dhacayaan, waxaan is oran lahaa waa 40 jir sida ay u fekereyso, laakiin jaamacadda Noloshu waa Jaamacadda ugu weyn ee wax laga barto..

Sheekadu waa dheertahay, gadaalna waan ka raacin doonaa wixii Talo iyo Tusaale ah In Sha Allaah, sidii caadada ahayd, waxaanan halku dheg uga dhigay, (Murugo..iyo Meel Maran) oo ah labada ay u dhexeysey gabadha yari…

“Asc sheekh mahamed salaan kadib magaceygu waa …… waxaa ku noolahay dal ka mid ah dalalka yurub gaar ahaan …… sheekh waxaa jeclaystay in aan kuu soo qoro qisadeyda oo aan aniga is lee yahay waa mid murug iyo xanuun xambaarsan balse waa sida aan ani u dareemayo runtase alle uunbaa og intaas kadib qisadaydu waa mid magac la aan ah adiga ayaa kaa codsanayaa in aad magac iigu bixiso wixii talo tusaale ahna waa kaaga baahanahay qisadiine waa tan sheekh.

sheekh waxaa waalidkayga ka soo tagay anigoo jira 15 sano waxaa soo aadney dal ka mid ah dalalka africa aniga iyo walaaladeyda oo gaareena 7 qof waa aniga iyo 6 igu hooyo iyo igu aabe ah safar dheer kadib waxaan nimi meeshi aan u soconey, oo salka ayaan dhiganay, balse dhib ayaanu kala kulanay meeshi aan tagnay, oo waayo waligeynba maanan ka soo dheeraanin waalidkeena oo waxaan nahay kuligeen dad qurbaha ugu horeyso waligoodna aan waalidkood ka soo tagin.

Sheekh dagaal iyo dhibaato baa bilaawmatay, oo maalin ilaahey keeno waa leys dagaalaa, mar kuweena yar yar baa is dagaala, marna kuweena waa weyn baa is qabsada, rafaad iyo dhibaato badan oo soo jiitamaayey mudo labo sano ah kadib sheekh waxaa Dhacday in danihi aan u imaadnay meeshaas aan gaarno oo aan u soo boqoolno dhankaas iyo yurub.

Balse sheekh dhibka ugu weyn halkaas ayuu ka bilawday, waan sama imaadnay oo soo caga dhiganay, oo nasanay oo la farxay oo leys dhahay aleelahee waxaa la yimid meel qatar ah, oo kaalay arag ah, balse runta saas ma eheyn oo waxaa imaadnay meel aad iyo aad u kala fogeysa walaalaha is jecel iyo bini aadan kasta oo is jecel, waxaan maqli jirey sheekh labo is jacel hadaa aragto wax iskugu dar eyagaa is nacayee! sheekh waxaa is dagaaleywalaalka na keeney yurub iyo kuweena ka yimid africa inta ugu waa weyn oo xoolo aduun darteed meel xun u kala gaarey, inteeni yareedne dhaxdooda ayaa ku dhunnay oo sheekh aniga sadax baa iga yareyd sadaxne waa iga weyneyd lix waa intaas iyo aniga oo 7bo ku ah walaalka na keenane aanan ku jirin oo asiga waa nagu sideed, markaas waxee noqonee afar ayaa iga weyn sadaxne waa iga yar tahay aniga waxaa jiraa marka aan imaanay yurub 17sano sanadkuna waa 2010.

Sheekh waxaa dhacay dhibaato aad iyo aad u weyn oo aan inta ku soo koobi karin oo inteenii yareed dhibaato naga soo gaartey oo aan aniga ka kow ahay, waayo guriga dadka ugu waa weyn is qabsanayo dadka yarne arkayaan maalin kasta dagaal iyo gaal leysku dacweenayo, ooba la aaminayo in gaalka wax kasta haayo, afarteenii yareed oo aan aniga afar ku ahay sidaas ayee ugu dhamaatay, wadan kana ehel nooma joogo oo anagaa isku ehel iyo qaraabo iyo walaalba isku ah oo hadane sidaan is badnay oo midba goonidiisa danihiisa gaarka u eeganayaa qof kalena aanu dan ka lahayn.

Sheekh mudo hal sano ah kadib oo aan ani 18sano galay, dagaalkiina inuu sii huro maahine aanu damin, walaalaheena qaar kood aanan ba garanayn meeleey ku nool yihiin oo uun aan aragno inee nool yihiin, balse aanan garaneyn xaalkooda saxda ah oo la kala tegey, oo gurigii noqday meel eber ah, sadax ama labo iskugu soo hartay, oo mid yar xataa gaalada la siiyey, oo aan iska calool xumooneyno sadaxdeena kale, awalba sheekh afarta waa weyn waa dad is eeganayey oo aanba is arki karin, balse afarteena yar yarka ah ayaa waligeynba is jecleyn oo isku nixi jirney, oo ilaa africa ilaa yurub iska war hayney, oo hal go’aan laheyn, mid haduu ooyo sadaxdeena kale aan la ilmeyn jirney sheekh, markii mid aad u yaraa nagala siiyey gaalada sheekh waxaa dhacday in aan sadaxdeena kalane aan fiig qaadno, oo mid kasta hoosta go’aan ka gaaro.

Sheekh waxaa dhacday aniga wiil aan markaas sheekeysan jirney in oo igu dhaho waa ku guursanayaa, waxaan iri haye, niyada ayaan iskala hadlay, waxaa is dhahay: ninkaan guurso oo dhibkaan ka bax walaaladaada yar yar oo kalane adiga hadaa mar guursato adigaa ka war qabaya, oo waxee doonaan siinaya, oo xataa hadaa guri yeelato ee kula joogi karaan, sheekh hamiga aan aniga niyada iska tusinayey ma dhicin! oo aniga ayaaba dhibka aan ka cararayo dhib ka sii daran afka u galay!

Sheekh waxaa dhacday ninki inaa guursado, dood badan oo waalidkey ka timid iyo walaaladeyba, in ugu dambayn ninkii ley ogolaado, gabadh wixi laga geyn jireyna waa leyga geeyey, reerkiina waa aqbaleen, balse sheekh weli ninka iskuma aanan guurin oo ani caasimada ayaan daganahay asna gobol ka mid ah isla wadanka aan joogo ayuu degganaa, sheekh wax barashadeydii ayaan sii watey, oo waxaan ku balanay ilaa inta aan ka helaayo guri in aan booqasho u tagaayo oo aanan gobolka dageynin, balse caasimada guri aan ka raadsaneyno waxaan dhahay waa yahay sidaa jeceshahay ayaan samayneynaa.

Sheekh booqashadi aan ninka meeshiisi ugu tegey wexey dhashay in aan yeesho uur, anigu kama nixin oo waanba ku farxay, balse asiga ma garan karo qalbigiisa waxa saxda ah ee galay laakiin dareenkeyga wuxuu isiiyey in aanu rabin in aan ani awlaad u dhalo. Sheekh anigi waxaa i qabsatay laba daran mid dooro, oo reerkeygi shalaba aniga ayaa ninka ku qasbay oo awalba meysan rabin, hadana uur ayaan sii yeeshay, sheekh afartii waa weyneyd, iyo sadaxdii yareyd oo aan is jecleyn, iyo labadii waalid ee africa jirey kulli waxaan fahmey iney isku dareen yihiin oo ani lay takoorayo.

Sheekh wadanka hal sano iyo bilo aan saas u badneyd oo 2bil ama sadax bil ah uunbaan markaa joogaa oo waxaan dhigtaa school ilmaha da’yar ah oo luuqada leygu baraa oo 16sano baa wadanka ku joogaa, balse 18sano baan jiraa, sheekh waan dhibtooday oo cadaadis kii u xumaa baan la kulmay oo reerkeygii midna aan midka kale ii dhaamin, balse waxaa taa ka sii daran qofka leygu nacayo asigaaba ka sii daran reerkayga.

Sheekh waan la hadlay oo waxaan dhahay: walaaloow adaa i qaba, waxa caloosheyda ku jirana waa ubadkaaga, haba i jeclaan hadaa doontee, gurigaaga lee aan kula soo dego, inta caloosheyda firaaqo ka noqoneyso, oo aan agtaada ku dhalo, meeshaan xaalkeeda kuuma sheegayo oo waad maqashaa waxa leygula dhaqmayee, wuxuu yiri maya haka yaabin inaa ii timaado! oo maba doonayo inaan gobolkaan ku noolaano, oo waxaan rabaa ani inaan caasimada soo dago, waxaan dhahay caasimad iyo gobol waqtigii la kala dooranayey lama joogee, waqti badbaado ayaa la joogaaye, Alle ayaa badbaado iigu filan, balse igu caawi inaan helo meel aan ku dhalo, oo aan kuu imaado, maya oo cad ayuu igu dhahay, waayahay.

Sidaas ayadoo xaal yahay sheekh waxaa yimid fasax 2bil iyo wax ah oo aan dhankiiisa soo aadey, balse qoomamo ma fiicnee inaanan soo aadin ayaa ii dhaantey, sheekh waxaan ogaadey in ninkaan sinaba iigu faraxsanayn, wallac ayaan tacbaan la ahay sheekh, waxaan arkay warqad ey usoo qortay gabar ay kala tageen oo uu africa ku soo silciyey! anigi aad baan u amankaagay, waayo muusan ii sheegin in uu guur soo maray oo wuxuu igu yiri adigaa iigu horeeya, ani aad ayaan uga naxay, beenta intaas la eg oo uu guurkiisa u qariyey, sheekh waaga ayaa igu baryey.

Magaalada ayuu ku maqnaa marka aan arkayey warqada ey gabadha ku calaacaleyso oo iga keentay ilmo, oo aan dhibkeygiiba hilmaamay inta ey tabaneyso, waxaanse niyada ka dhahay allaha iyada u dhib yareeyo, balse godka eey ka baxday adi ayaa hada galay alle haku samata bixiyo…Maxaase dhacay, markuu yimi? Wixii dhacaa ka darane la soco….”

La soco qaybta 2aad……….

www.xaqiiqa.com