Musharax wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankii Madasha Qaranka

221

Ka dib war-murtiyeed kasoo baxay Shirka Madasha Hogaanka Qaranka oo dib loogu dhigay doorashada madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa go’aankaasi wax laga xumaado ku tilmaamay musharaxa xilka madaxtinimo ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan oo qadka telfoonka kula hadlay Xaqiiqatimes, ayaa waxaa uu sheegay in go’aankan uu ahaa mid ay filayeen maadaama dhowr jeer oo hore doorashada dib loo dhigay.

“Waa wax laga xumaado, waa go’aan aan lagu eegin danaha dalka iyo dadka” ayuu Cabdiraxmaan u sheegay Xaqiiqatimes.

Waxaa uu sheegay in rajada ah in doorashada ay ku dhacdo waqtiga ay go’aamiyeen oo ah 28 bishan ay aad u yertahay.

“Ma aaminsani in doorashadu ay ku dhacdo waqtiga loo qoondeeyay waxaa ay u badantahay in markale ay dib u dhici doonto” ayuu intaasi ku daray.

Madasha Hogaanka Qaranka shir labo maalmood ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku go’aamiyeen in xildhibaanada la soo doortay la dhasriyo 15 bishan halka gudoonka Baarlamaanka la dooran doono 22 bishan December, ayadoo midda madaxwaynaha loo qoondeeyay 28 bishan.

Ka dib go’aanka madasha waxaa tartanka ka hartay Fadumo Qaasim Dhayib oo ahayd gabadhii ugu horaysay oo isu soo sharaxda xilka madaxwaynaha.