Musharrax Madaxweyne Farmaajo oo Taageeray Hawlaha ay Wadaan Dhallinyarada Ubaxa Caasimadda (Sawiro)

1171

Musharrax Madaxweyne Farmaajo oo Taageeray Hawlaha ay Wadaan Dhallinyarada Ubaxa Caasimadda.
Dhallinyarada Ubaxa Caasimadda oo isu xilqaamay qurxinta iyo nadaafadda waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta mar kale hawlo qurxin iyo nadiifin ah ka bilaabay afaafka hore ee garoonka Aadan Cabdulle Cismaan ilaa isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho si loo soo celiyo bilicda caasimadda.

 
Dhallinyaradan oo ku shaqeysa is iskaa wax u qabso ayaa ku hawl gala taageerada ay ka helaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyaga oo sheegay in ay maanta kaalmo dhaqaale ka heleen Musharrax Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kamid ah musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Maxamed Tahliil Sheekh oo ah Xoghaya Guud ee dhallinyaradan ayaa sheegay in kaalmada dhaqaale ee ay maanta hawshan ku dardargeliyeen ay wax weyn ka tareyso qurxinta jidka u dhaxeeya Garoonka Aadan Cabdulle ilaa Isgoyska Lambar Afar.

Waxaan aad ugu amaanayaa Musharrax Farmaajo dhiirrigelinta uu na siiyay iyo inuu dhaqaale nagu taageeray sidii jidkan oo ah albaabka Muqdisho ay kasoo galaan dadka dibadaha ka imaanaya loo qurxin lahaa.

Maxamed Xuseen Xasan Lafoole oo ah Guddoomiyaha Ubaxa Caasimadda oo isagana la hadlay wariyeyaasha intii ay hawshan ku jireen ayaa sheegay inay ka heleen Musharrax Farmaajo dhaqaale ku filan 40 kartoon oo riinji ah, sidoo kalena ay shaqo abuur 3 maalmood ah ka heleen 6 ruux oo farsamo yaqaanno ah.

“Waxaan ka codsanaynaa musharrixiinta iyo muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed in ay nala fahmaan in qurxinta dalka iyo in dhir lagu beero meel walba ay tahay waajib qof walba saaran. Haddii aan isu xilqaannay hawshan waxaan idinka sugeynaa inaad nagu caawisaan sidii aan dalkeenna u qurxisan lahayn. Runtii Mudane Farmaajo waa uga mahadcelinaynaa taageerada aan hagarta lahayn ee uu na siiyay “Ayuu yiri Guddoomiyaha Ubaxa Caasimadda.

Kooxdan dhallinyarada ah oo hawlahan hore uga soo sameeyay waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho sida tan Makka Almukarramah ayaa sheegay in wajiga koowaad marka ay dhammeeyaan ay ku xijin doonaan dhir beeris si wadadan ay u noqoto mid muuqaal qurxoon.

Horraantii bishii 9 aad ee sanadkii tagay ayay ahayd markii ay dhallinyarana bilaabeen olole hal milyan oo geed looga tallaalayo dalka oo idil kaasoo ay ujeedadiisu ahayd in dhir badan la beero si wax looga hortago xaalufinta dhirta iyo abaaraha soo noqnoqda.

IMG-20170119-WA0003 IMG-20170119-WA0005 IMG-20170119-WA0007 IMG-20170119-WA0010 IMG-20170119-WA0019 IMG-20170119-WA0021 IMG-20170119-WA0022 IMG-20170119-WA0026 IMG-20170119-WA0027 IMG-20170119-WA0028 IMG-20170119-WA0030 IMG-20170119-WA0032 IMG-20170119-WA0034 IMG-20170119-WA0035 IMG-20170119-WA0042