Musuqmaasuqa Shaqaalo Qorista Dowladda iyo Sida Looga Bixi Karo

W/Q: Jan. Jaamac Maxamed Qaalib

Marka hore waa mudan in la isweydiiyo waa maxay musuqmaasuq. Waa fal xun oo caqli fiyoobi diido. Sidaasi darteed si xumaan loola dagaallamo waa in uu jiraa nidaam lagu ilaaliyo waxa wanaagsan. Tusaale ahaan, sida maqaalkani tilmaamayo musuqmaasuq waxa uu saameeyaa maamulka, maamulkana waa hanta, hantidana waxaa maamula shaqaale.

Hantidu waa mid qaran iyo mid gaar ah. Tan gaarka ah badanaaba lama musuqmaasuqi karo oo cidda iska leh ayaa ilaashata, laakiin tan baylahda ah waa tan qaran oo mudan in laga doodo dhawristeeda. Wasaarad ama hay’ad kasta oo heer qaran ahi waa in ay leedahay miisaaniyad xad leh oo ay u qoondeysay Wasaaradda Maaliyaddu, ogolaanshaha Golaha Wasiirradana uu Barlamanaku ansixiyo.

Miisaaniyadda Wasaarad ama hay’ad kasta waxa ay leedahay lambar miisaaniyadeed oo loo yaqaan madax miisaaniyadeed (budget head) iyo madax xigeenno (budget heads). Madax xige kasta waxaa ku muujisan qeyb kamid ah misaaniyadda Wasaaradda ama hay’adda iyo waxa lagu kharash gareyn karo sida madax xigaha mushaarooyinka shaqaalaha, ama madax xigaha kharashyada adeegga iwm.

Lacag madax xige loo qoondeeyay wax kale oo gaar ah looma isticmaali karo iyada oo aan ogolaansho laga helin Wasaaradda Maaliyadda. Haddii inta lagu guda jiro sanad miisaaniyadeed wasaarad ama hay’adi u baahato in lacag ugu jirto hal madax xige loogu wareejiyo madax xige kale oo ay lacagtii ka dhamaatay waxa ay ogolaansho ka dalbeysaa Wasaaradda Maaliyadda iyada oo la sababeynayo maxaa hal madax xigeen lacagtii uga dhamaatay? Lacag keyd ahi ma u harsantahay?

In nidaamkaas kor ku xusan la raaco waxaa ilaalinaya hanta-dhawrka qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda oo mid waliba marka uu doono kormeer ka sameyn kara. Wasaarad ama hay’ad kasta waxa ay leedahay xisaabiye ay soo magacowdo Wasaaradda Maaliyaddu. Wasaarad ama hay’ad kasta waa in ay diiwaangeliso hanti qaran oo ma guurto iyo guurtaba ah oo ay heyso.

Shaqaalaha qaranka waa in ay jiraan laba arrimood oo lagama maarmaan ahi; 1. Tiro shaqaale oo aan ka dhaafi karin ama badin karin. 2. Hay’ad u gaar ah maamulka arrimaha shaqaalaha oo hoos timaadda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  iyo Golaha Wasiirrada. Waa in loo xulaa mas’uul ku haboon oo ku sifoobay karti, hufnaan iyo aqoon oo madax ka noqda hay’addaasi.

Hay’addaasi waxa ay masuul ka noqoneysaa qorista shaqaalaha rayidka ah oo dhan tababarradooda, meeleyntooda, kala badalkooda, anshaxooda iyo xuquuqdooda. Magacaabista iyo dallacsiinta saraakiisha sarsare ee shaqaalaha waxaa soo jeediya guddiga kor ku xusan oo ka koobnaan kara 3 ilaa 5 xubnood. Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha oo uu gudoomiyo madaxa hay’adda shaqaalaha waxaa ansixiya Golaha Wasiirrada.

Wasaarad ama hay’ad kasta waxa ay soojeedin kartaa dallacsiin saraakiil la shaqeysa, waxa ayna u gudbineysaa madaxa hay’adda shaqaalaha, waxaana la marsiinayaa nidaamka kor ku sheeggan. Wasaaradaha iyo hay’aduhu shaqaalaha ma qoran karaan marka laga reebo kuwa heer hoose sida adeegayaasha, nadiifiyayaasha iyo ilaalo rayid ah.

Wixii shaqaale ah oo ay u baahanyihiin Wasaaradaha ama hay’aduhu waxa ay weydiisanayaan hay’adda arrimaha shaqaalaha iyada oo aan la dhaafeyn tirada shaqaale ee ay dooneyso cidda dalabka keensatay.

Ayaan darro, arrimaha shaqaaluhu waa kuwa ugu daran oo uu burburkii dalka ka dhacay aafeeyay. Saraakiishii aqoonta u lahayd arrimaha shaqaalaha muuqaalka waa ay ka baxeen. Kuwa dhintay ama gaboobay ayay noqdeen. Sidaasi darteed ayay lagama maarmaan u tahay in dib loo soo nooleeyo nidaamkaas.

Anigu takhasus uma lihi arrimaha maaliyadda iyo xisaabaadka. Hase yeeshee arrimaha ana kor ku sheegay waa kuwo qof kasta oo soo maray maamul qaran uu xasuusan karo. Haddii kuwaas iyo wixii lamid ah la raacana waa la xakameyn karaa musuqmaasuqa ku saabsan shaqaaleynta.