Muuse Suudi iyo Dr Dufle oo ka mid noqday Aqalka Sare ee Somaaliya

307

Muuse Suudi Yalxow ayaa ku guuleystay Kursiga Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabelle, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxii uu la tartamaayay.

Muuse Suudi Yalxow ayaa helay codad gaaraya 91 cod, halka Xasan Cali Caadle oo la tartamayay uu helay 4 cod oo kaliya, sida Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaasi uu shaaciyay.

Muuse Suudi ayaa ku guuleystay codadkii ugu badnaa ee xubin aqal sare ay ku guuleysato, maadaama uu xaqiijiyay 91 Xildhibaan codkooda.

Muuse Suudi Yelxow ayaa ka mid ahaa hogaamiye- kooxeeeyadii wadanka Soo maray, isagoo sidoo kale xilal ka soo qabtay dowladii KMG ahayd ee lagu soo dhisay Mpakasi, Kenya.

Dhanka kale Dr. Cismaan Maxmuud Dufle oo ka mid ah xildhibaanada baarlaamaanka Soomaaliya ayaa ka mid noqday Aqalka Sare ee Soomaaliya, ka dib markii uu Ku guulaystay 87 cod.

Dr Dufle ayaa haysta abaal-marinta biladda nabadda ee loo yaqaano Nopel peace price, gaar ahaan qaybta caafimaadka.