Muwaadiniinta Maraykanka oo looga digay inay u socdaalaan Soomaaliya

198

Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay digniin dhanka socdaalka ah taasi oo muwaadiniintiisa looga digay inay u socdalaan Soomaaliya.

War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in arintan ay sabab u tahay cabsi laga qabo weeraro iyo afduubyo loo gaysto muwaadiniinta American-ka ah ee howl gala Soomaaliya.

Warka ayaa waxaa si gaar ah ay  u sheegtay in muwaadiniinta ay ka fogaadaan hoteelada, Maqaayadaha iyo garoonka diyaaradaha Adan cade goobahaasi oo warka lagu sheegay inay halis ugu jiraan weeraro ka yimaada dhaqdhaqaaqa al-Shabaab oo ah garab ka mid ah Al-Qacida.

Digniintan waxaa ay badali doontaa mid Maraykanka uu soo saaray May 2016.

Warka waxaa sidoo Kale lagu sheegay in dadka American-ka ah ayaan u socdaali Karin guud ahaan Soomaaliya oo ay Ku jiraan Puntland iyo Somaliland.