Muxuu Farmaajo ku doortay Xasan Cali Khayre

889

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu Ra’iisul wasaare ugu magacaabay Xasan Cali Khayre.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Xasan Cali Khayre uu yahay nin maamul yaqaan ah islamarkaana uu wax badan ka soo shaqeeyay arimaha bani’aadanimada, xili ay abaaro baahsan ay ka jiraan Soomaaliya iyo in laga baqdin qabo in abaaro kale ay ku dhuftaan Soomaaliya.

Xasan Cali kahyre ayaa madaxwaynaha waxaa uu sheegay inuu lasoo shaqeeyay maamul-gobaleedyada.

Waxaa Farmaajo uu sheegay inuu aaminsan yahay inay wada dhamaysan doonaan xilka si meesha ay uga baxdo is qabqabsigii dhexmari jiray madaxwayniyaashii iyo Ra’iisul wasaarayaashii dalka soo maray 12 kii sano ee lasoo dhaafay

Halkan  ka dhagayso codka Madaxwaynaha