Nairobi oo weli rag ‘tuhmaneyaal’ ah lagu baarayo

211

Kenya-police-officials

Sida ay ku warrameen saraakiisha booliska Kenya 4 qof oo looga shakisan yahay inay taageerayaal u yihiin xarakada Shabaab, laguna soo qabtay walxaha qarxa ayaa imminka baaris guud lagu wadaa, kuwaasoo ay ciidamadda ammaanku gacanta ku dhigeen, xilli ay ku dhuumaalaysanayeen gudaha xaafadda Eastleigh ee magaaladaasi Nairobi.

Goor danbe oo Jimcadii shalay ahayd ayey ciidamadda boolisku raggaasi oo watay gaari nuuca raaxada ah, sidoo kalena soo xirtay dareys haween waxay ku qabteen agaggaarka waddada 12-ka ee xaafaddaasi Eastleigh.

Baarayaasha ayaa weli xaqiijinaya haddii ay ‘tuhmaneyaashu’ xiriir dhow la lee yihiin masuuliyiinta xarakada Shabaab ee Soomaaliya ama ugu yaraan ay ka soo garab dagaallameen dagaalyahanka ururkaasi.