Natiijada wareega koowaad ee doorashada Faransiiska oo lagu dhawaaqay

331
TOPSHOT - French far-right Front National (FN) party's President, Marine Le Pen, gestures as she delivers a speech on stage during the FN's summer congress in Frejus, southern France, on September 18, 2016. Marine Le Pen's slogan reading "In the name of the [French] people" is seen on the rostrum. / AFP / Franck PENNANT (Photo credit should read FRANCK PENNANT/AFP/Getty Images)

TOPSHOT – French far-right Front National (FN) party’s President, Marine Le Pen, gestures as she delivers a speech on stage during the FN’s summer congress in Frejus, southern France, on September 18, 2016.
Marine Le Pen’s slogan reading “In the name of the [French] people” is seen on the rostrum. / AFP / Franck PENNANT (Photo credit should read FRANCK PENNANT/AFP/Getty Images)
Natiijada Doorashaddii dalka France-ka oo aad loo loo  sugayay ayaa lagu dhawaaqay, ayadoo la shaaciyay musharixiinta u gudbay wareega labaad.

Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen, ayaa usoo gudbay wareegga labaad ee doorashada madaxtinimo ee Faransiiska.

Musharaxa Xisbiga Dhexe Emmanuel Macron ayaa taageerayaashiisa la hadlay isagoo muujiyay rajo aad u wayn ee ku aadan xilka madaxtinimada.

Emmanuel Macron oo ka socda xisbiga dhexe iyo haweeneyda ka socota xisbiga midigta fog ee wadaniga ah ee kasoo horjeeda soogalootiga, Marine Le Pen ayaa usoo gudbay wareega labaad ee doorashada madaxtinimo ee Faransiiska.

11 musharrax ayaa u tartamay xilka madaxwanaha dalkaasi, waxaana hadda wareegga labaad ee doorashada u gudbay Emmanuel Macron iyo gabadha la yirahdo Marine Le Pen oo noqday kuwii ugu codka badnaa.

Ku dhawaad 50,000 oo boolis ah iyo 7,000 oo milateri ah ayaa la geeyay goobaha codbixinta ee Faransiiska oo dhan ayadoo laga cabsi qabay in weeraro lagu beego xiliga doorashada Guud ee dalka Faransiiska.

Ammaanka dalkaasi ayaa aad loo adkeeyay ka dib markii uu maalmo ka hor uu ka dhacay weerar uu nin boolis ah ku dhintay, kaasi oo uu fuliyay nin magaciisa Booliisku ay ku sheegeen Karim Cheurfi, oo la rumaysan yahay in uu taageersanaa Kooxda Daacish.