Nawaz Shariif oo 7 sano oo xarig ah lagu xukumay

146

Maxkamadda la tacaasha dambiyada musuq maasuqa dalka Pakistaan ayaa toddobo sanno oo xarig ah ku ridday ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, Nawaz Shariif kaddib markii loo haystay dacwado la xiriiro musuq maasuq.

Maxkamadda ku taalla Islamabad ayaa sheegtay inuu sameeyay maalgelin ka badan hantida uu haysta oo uu shaaca ka qaaday.

Markii maanta ay maxkamadda go’aanka gaareysay waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka halkaasi.

Nawaz Shariif wuxuu beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, bishii July ayaa loo xiray eedeymo musuq balse waxaa maxkamadda racfaanka ay ku sii daaysay damaanad markii maxmakadda musuq maasuqa Islamabad ay xukuntay 10 sanno oo xarig ah bishii September.

Xisbiga uu hoggaamiyo Shariif waxaa looga adkaaday doorashadii bishii July ka dhacday dalkaasi, xilliggaasi uu isaga xabsi ku jiray.