New York oo looga shiray arrimaha Soomaaliya

174

Shirkii New York ee SoomaaliyaXarunta Qaramadda Midoobay ay ku lee dahay magaalada New York ayaa lagu qabtay shir si gaar ah looga hadlayay arrimaha Soomaaliya waxaana si waddajir ah shirkaasi u shir guddoominayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xoghaye Ban Ki-moon iyo guddoomiyaha Midowga Afrika marwo Dlamini-Zuma, iyada oo uu madaxweynuhu shirka ka sheegay in qorshe ahaan xukuumaddiisu ay ku dhisan tahay wadatashi si buu yiri dadweynaha oo dhan looga qeybgeliyo go’aan ka gaarista aayahooda.

Hadalkaasi Xasan Sheekh waxaa si weyn u bogaadiyay Mr. Ban, isaga oo sidoo kalena soo dhoweeyey dadaallada ay dawladdu ku dooneyso dib u soo celinta ammaanka iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Dlamini-Zuma ayaa carabka ku adkeysay in si rasmi ah loo baarayo eedeymaha lagu soo bandhiggay warbixintii Human Rights Watch ee cinwaankeedu ahaa ‘xoogga ay raggaan nagu haystaan waa si xun uga faa’iidaysi galmo iyo tacaddi’ taasoo ka dhan ahayd ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinaca kale, madaxda Jaamacadda Carabta ayaa u balanqaaday Soomaaliya in bil kasta ay siin doonaan 10 malyuun oo dollar si loogu kabo miisaaniyadda dawladda dhexe sida laga soo xigtay wasiir Beyle oo warbaahinta la hadlay.

Waddanka ay colaaduhu burburiyeen ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in doorashooyin madaxbannaan ay ka dhacaan dhammaanka 2016-ka.