Kay: waxaan u wada jirnaa nabadda Soomaaliya

288

Nicholas-Kay

Madaxa xafiiska Qaramadda Midoobay u qaabilsan kaalmaynta Soomaaliya, Nicholas Kay oo ka hadlayay xaflad lagu xusayey sannad guuradii 1-aad ee kasoo wareegatay aas’aaska UNSOM oo lagu qabtay caasimadda Puntland ee Garoowe ayuu markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in imminka ay meel wanaagsan u marayaan dhexdhexaadinta masuuliyiinta Puntland iyo dawladda dhexe si buu yiri waddanka looga hirgeliyo hannaan federaal ah oo aad la isugu raacsan yahay.

“Waxaa hubaal ah in dhismaha dawlad gobolleedyada ka mid noqonaya dawladda federaalku ay tahay danta Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, Puntlandna lagama qaadan doono deeggaanada ay hadda gacanta ku heyso. Xudduuddaha kama danbeysta ahna waxaa lagu go’aamin doonaa sida ku xusan dastuurka qabyada ee federaalka.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Kay.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay wuxuu kaloo carabka ku dhuftay inay jiraan hawlo badan oo ay tahay in wadajir loo wajaho kuwaasoo ay ka mid yihiin u saldhigidda dawlad ku saleysan federaal iyo qabyo tir ay dawladda feredaalka, dawlad gobolleedyada jira iyo kuwa dhismayaba ku sameeyaan dastuurka si loogu gogol xaaro qabsoomidda doorashooyin madaxbannaan wixii loo gaaro dhammaadka 2016, hase ahaatee hadalka danjiraha ayaa ku soo beegmaya xilli dawlad gobolleedka waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland ay horey dhawr jeer xiriirka ugu jartay dawladda dhexe.

Dhinaca kale, Kay oo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa la kulmay masuuliyiinta Somaliland waxayna isla soo qaadeen ka wada shaqeynta dhinacyada nabadda, degganaashaha iyo taageerada Somaliland wuxuuna qiray in joogitaan la’aanta UNSOM ee Somaliland ay sii adkeysay taageero kastoo loo fidin lahaa waaxaha mudnaanta weyn u leh maammulkaasi.

Madaxda Somaliland ayaa dhankooda u gudbiyay ergeygaasi cabasho ka dhan ah dawladda Soomaaliya oo la xariirta maammulka hawada sare iyo xudduuddaha badda.