Norwey oo $54.3M ku bixinaysa dib u dhiska Soomaliya

163

Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka.

Waxayna intaa raacisay in dhaqaalahan ay ugu tala gashay inay Soomaaliya uga hortagto xadgudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniag Soomaaliya la soo dersa

Wasiiru dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsan Nikolay Astarob ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla maarkaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu cadeeyay Nikolay Astarob in kaalmadan ay Dowlasiisa u fidinayso Soomaaliya ay sii saacidayso horumarka, degenaashaha iyo Amaanka Soomaaliya oo sii wanaagsanaanaya.