OCHA oo war ka soo saartay xaaladda Abaaraha Soomaaliya

381

Xafiiska QM u qaabilsan  isku xirka howlaha  Bini’aadanimida ee  OCHA ayaa walaac ka muujiyay xaaladda  abaaraha ka jira qaar ka mid ah gobollada  dalka Somaliya.

OCHA ayaa sheegtay in Lixdii bilood ee la soo dhaafay ay jirtay koror ku yimid xadiga abaarta Somaliya, sidoo kalena ay soo bateen dadka ka cabanaya raashin la’aan  taasi oo qiyaastii gaartay 20%.

Hay’adda  waxay sheegtay  inay jiraan caruur badan oo nafaqo daro ku haysato Soomaaliya , kuwaasi oo u baahan in lala gaaro gurmad deg deg ah.

Barnaamijka isku xirka howlaha Bani’aadanimo ee QM ayaa sheegtay in 320,00 oo carruur ah ay qarkja u saaran yihiin iney u dhintaan cuduro ka dhashay abaarta, iyadoo 50,000 oo kalena  ay la il daran yihiin nafaqo darri baahsan.

Warbixinta ayaa kusoo aadaysa ayadoo abaaraha dalka ka jira ay sii baaheen.

Xilliga Dayrta oo sidii la filayay u da’in iyo roobabkii sanadkii bore oo year iyo isbadelka Cimilada ayaa loo aanaynayaa inay sabab u yihiin abaartan baahsan, inkastoo abaartu ay ka mid tahay waxyaabaha Dabiiciga ah ee ka dhaca Dunida.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay in abaar ay ka jirto Soomaaliya.

Goobaha ugu daran ee abaaruhu ay saameeyeen waxaa ugu badan gobolada Woqooyi ee dalka Soomaaliya.

Maamulka Soomaaliland ayaa war uu kasoo saaray abaarta ayaa waxaa uu sheegay in abaartan ay tahay tii ugu dheerayd deegaanada Soomaaliland.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha Soomaaliland ayaa lagu sheegay in abaartan ay soo jirtay 3dii sano ee lasoo dhaafay.

80% dadka Ku nool deegaanada sida xun abaartu ugu dhufatay waxaa ka dhamaaday xoolaha la dhaqdo.

Gobalada abaaruhu Ay aadka u saameeyeen waxaa ka mid ah Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, Barri iyo qaar ka mid ah gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.