Ololaha Qaad-diid oo Muqdisho Soo Gaaray & Bulshada oo Taageertay

733

Waxyaabaha tirada badan ee dalkeenna dhibaatada iyo curyaaminta ku haya waxaa ka mid ah, hadduusan waxa ugu horreeya ahayn ‘Jaadka’ ama ‘Qaadka’ oo si walba u dhaawacay heybadda, dhaqaalaha iyo caafimaadka dadka cuna maandooriyahan. Waxaa intaa dheer in culimada Soomaalida qaar ka trisan ay isku raacsan yihiin in uu Jaadku yahay xaaraan ama wax aanay cunistiisu bannaaneyn.

Hase yeeshee, waxaa jira shakhsiyaad isu xilqaamay sidii ay dadka cuna caleentan uga wacyigelin lahaayeen, inkastoo aysan mideynin cududdooda iyo caqligooda. Waxaa dadkaasi hormuud iyo halyeeyba u ah Abuukar Jaamac Cawaale (Qaad-diid) oo ka wacyigelinta cunista Qaadka ka billaabay dalka Ingiriiska sanadkii 2004. Abuukar waqtiyadii uu meelaha lagu qayilo ee London fadhin jiray waxa uu hadda ku sifeeyaa xilligii ugu xumaa noloshiisa.

Mar uu la hadlayay ardayda Jaamacadda Ummadda wuxuu yiri “Intii aan Qaadka joojiyay waxaan dareemay kalsooni, waxaan xusuustay hooyaday iyo aabbahey oo aanan in muddo ah xil iska saarin, waan ka duceystay, waan shaqeystay, waana shukaansaday oo reer ayaan yagleelay. Intaa kaddib waxaan go’aansaday dhibkii aan ka soo baxay inaan ka wacyigeliyo walaalaha Soomaalida ah ee wali meelaha lagu qayilo fadhiya.”

Maalintii daah-furka Ololaha Qaad-diid ee Muqdisho waxaa kasoo qeyb galay xildhibaanno, Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha, Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka, Wasiir Ku-xigeenka Awqaafta & Arrimaha Diinta, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Ururka Midowga Culimada Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda & Bulshada, Ganacsato, Ururrada Haweenka Qaran iyo Gobolka Banaadir, Dhallinyaro, Bulshada Rayidka ah iyo dad kale oo badan oo aad ula dhacsanaa ololaha.

Guddoomiyaha Golaha Culimada Soomaaliya Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa bogaadiyay dadaalka uu Cawaale u galay in Jaadka laga joojiyo dalka Ingiriiska, isagoo ku taliyay in lagala shaqeeyo qaabkii Jaadka looga cirib tiri lahaa dalka Soomaaliya. “Soomaaliya labo shay ayaa dhibaato xooggan ku haya. Mid waa Qaadka oo Abuukar ayaa u soo baxay, kan kale waa Qabiilka oo waxaan rajeynayaa in dad sidiisa oo kale ula dagaallamo la helo.” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Wacyigelinta Qaadka waa arrin aad u dhib badan. Ma aha dadka cuna oo kaliya ee waxaan ku faraxsanayn ka hadalkiisa dadka ka ganacsada oo haween ilmo korsada u badan. Balse Cawaale ayaa wada olole hooyooyinka laamiyada fadhiya ee Qaadka iibiya loogu abuurayo shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda sida in ay khudaarta ka ganacsadaan.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “Waxaan ku dhiirran karaa in xilligan ay jirto hooyo Soomaali ah oo Qaad ku iibineyso meel ka mid ah Muqdisho, halka odaygii reerkana uu fadhi ku dirir ku jiro. Waxaan hubaa in xalay intii aan hurudnay ay hooyo Soomaali ah sasabeysay ilmo yar oo gaajo la oynaya, halka odaygii dhalay uu xoogaagii lacagta ahaa Qaad uga iibsaday. Dhibaatooyinka Qaadka aad bay u badan yihiin, waana in aan meel uga soo wada jeesannaa.”

Mar uu Wargeyska Xaqiiqa Times wax ka weydiiyay caqabadaha ugu waaweyn ee ka hor yimid intii uu marayay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti wuxuu sheegay in ay cabsida ugu weyn ay tahay nabadgelyada . “Ingiriiska markii aan joogay kama cabsan in jidadka la ii istaago oo la dilo, laakiin Jabuuti iyo Soomaaliya meelaha qaar waa la igu xiray. Marka mar walba meeshan waxaan ka cabsadaa in dad u arka in aan ganacsigooda ama balwaddooda weerar ku ahay ay dhib ii geystaan. Haddana waxaan is dhahaa haddii aad cabsi u joojiso howshan sow guuldarro iyo ciil ma aha?” ayuu yiri Abuukar.

Dad badan oo uu Wargeyska la hadlay ayaa sidoo kale qaba in Qaadka aan la joojin karin maadaama dowladdii awoodda badneyd uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ay ku guul darreysatay. Laakiin fikir kaa ka duwan waxaa qaba Abuukar Cawaale oo aaminsan in fursaduhu ay halkan ka badan yihiin.

“Waxaa jira mas’uuliyiin u dhaartay in ay danta dalka, diinta iyo dadka ay ka shaqeyn doonaan. Waxaa kale oo aan aaminsanahay in dadkeenna oo rumeysan in uu Qaadku xaaraan yahay aan dhiirrigelin karo. Labadaas dhinac haddii mid waliba ay mas’uuliyaddeeda garato, waxaan aaminsanahay, Ingiriiska 9 sano ayay nagu qaadataye, in Soomaaliya aan muddo yar uga joojin karno daroogadan cagaaran.” ayuu Cawaale hadalkiisa raaciyay.

Cawaale ayaa ku hanweyn in uu ololaha ka wacyigelinta cunista iyo ka ganacsiga Qaadka ka miro-dhalin doono si jiilalka soo socdo looga baajiyo in ay qayilaan, maadaama dhaqan ahaan, diin ahaan iyo caafimaad ahaanba ay Soomaalidu ka dharagsan tahay dhibaatada baaxadda weyn ee uu qaadku ku hayo dadkeenna.

“Reer Muqdisho waxaan kula dardaarmayaa in ay ka gabyaan caleentan, in ay ka buraanburaan iyo in ay ka shirbaan. Ingiriiska waxaan la hadlayay dad aan igu af iyo dhaqan aheyn. Laakiin Soomaaliya waa dalkeyga, waxaana jooga dadkeyga oo aan is fahmi karno. Waxaan ku rajo weynahay in maadaama aan Ingiriiska uga adkaaday Kenya, in aan Soomaaliyana uga adkaan doono haddii uu Eebe idmo.”

Ololaha Qaad-diid oo soo maray magaalooyinka Jabuuti, Hargeysa, Garoowe, Boosaaso, Qardho, Gaalkacyo, Galdogob, Garacad, Buuhoodle iyo magaalooyin kale ayaa ka sii socon doona magaalada Muqdisho ilaa dabayaaqada Abriil, wuxuuna Cawaale tagi doonaa jaamacadaha, dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, degmooyinka gobolka Banaadir, masaajidda, xarumaha caafimaadka, shirarka iyo meelaha muhiimka ah si uu farriintiisa u gudbiyo.

Ilaa iyo hadda waxaa si cad ololahan u taageeray guddoomiyeyaasha degmooyinka Warta Nabadda, Cabdicasiis, Wadajir iyo Boondheere. Waxaa sidoo kale ballan-qaaday in ay daraasado cilmiyeysan ku sameyn doonaan dhibaatooyinka Qaadka Jaamacadda Ummadda Soomaaliya iyo jaamacadaha SIMAD, City, Horseed iyo kuwo kale.

Cabdinuur Maxamed Axmed

Iskuulka Maxamuud XarbiDaahir Carab