Paul Kagame oo ku guulaystay doorashada Rwanda

224

Guddiga doorashooyinka Rwanda ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Paul Kagame uu markii saddexaad ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalkaas.

Natiijada doorashadii shalay oo jimco aheyd ka dhacday dalkaas ayaa Madaxweyne Kagame uu helay codod dhan 98%.

Taageerayaasha Madaxweyne Kagame ayaa bilaabay dabaal degyo, ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada codka.

Madaxweyne Kagame ayaa lagu ammaanay inuu dalka ku soo celiyay degenaansho, isla markaana gaarsiiyay horumar dhaqaale.

Laakiin dadka ka soo hor-jeeda siyaasadiisa ee dibad jooga ah ayaa waxay ku eedeeyaan inuu dalka ku xukumay xaalad cabsi iyo cagajugleyn.

Mr Kagame ayaa talada dalka Rwanda hayay 17 sano, sanadkii 2015 ayuu is bedel ku sameeyay dastuurka dalkaas, si uu fursad ugu sii helo inuu xukunka baaqi ku sii ahaado inta laga gaarayo sanadka 2034.

Tan iyo intii dalkaasi uu kasoo gudbay dagaalkii sokeeye ee u dhaxeeyay qabiilada Hutu iyo Tudsi waxaa la sheegay in Rwanda uu Ku talaabsaday hormar la taaban karo.

Hase ahaatee waxaa la dhaliilaa nadaamka dimuqraadiyadda dalkaasi.

Doorashadii tan ka horaysay ayaa waxaa ka dhashay muran xoogan ka dib markii Ku xigeenka musharaxa xilka madaxwaynaha ee xisbiga Green party la dilay.