Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Afar xildhibaan oo maanta lagu doortay Baydhabo

493

Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku guuleystay kursiga Aqalka Hoose ee  Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu ku soo baxay Doorasho maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Prof.  Dalxa o ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka, kadib markii uu ka guuleystay Maxamed Shuute Xuseen oo la tartamayay,  waxaa uu ku guulaystay 49 cod waxaa la sheegay  Labo cod ay qasaareen.

Waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo mudo Afar sano ah ahaa Gudoomiye Ku xigeenkii Baarlamaanka Soomaaliya dowladdii uu madaxwaynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo Afar kursi .

Waxaa xusid Mudan in maanta Baydhabo lagu doortay labor Haween ah.

Haddaba hoos ka akhriso magacyada xildhibaanada la doortay.

1- Maxamed Cumar Dalxa oo helay 49 cod.

2- Aamino Sheekh Cismaan oo heshay 39 cod.

3- Safiyo Xasan Nuur oo heshay 46 cod.

4- Xuseen Cismaan Xuseen oo helay 48 cod.